Isku xirrada

Baarlamanka Cusub ee Somalia oo Isniinta Kulmaya


Golaha Shacabka

Golaha Shacabka

Xubanaha Cusub ee Baarlamanka Somalia ayaa lagu wadaa iney fadhigooda ugu horeeya yeeshaan 20ka bishan.

Gudiga Farsamada ee Xulista baarlamanka ayaa sheegay in xubnaha barlamanka cusub ee Somalia ay fadhigooda ugu horeeya yeelan doonaan maalinta isniinta ah ee soo socota .
Xubnuhu waxey dooran doonaan shaqsiga ugu da’da weyn iyagoo ka idbna dooran doona gudoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa.

Xaliimo Ismaaciil Ibrahim ( xaliimo yarey ) oo ah la gudoomiyaha gudiga farsamada ee u xilsaaraa kala xulista xubnaha Baarlamanka ayaa VOAda u sheegtay in liiska 202 xubnood ka kooban ay u soo gudbiyeen si loo dhameystiro howlaha ka harsan xilligga kala guurka.

Xubnahan Baarlamanka cusub ayaa ku saleysan hanaankii awood qeybsiga beelaha somalida ee 4.5 oo ah nidaamkii dowladii 2004tii lagu soo dhisay dalka kenya.
Hadalkan ka soo yeeray gudiga Farsamada ee soo xulista baarlamanka ayaa ku soo beegmay iyadoo shalay uu Maaxweynaha Somalia iyo Ergayga gaarka ee Qaramada midoobay ay ka soo horjeesteen in xubnaha baarlamanka laga reebo dad gaar ah.

XS
SM
MD
LG