Isku xirrada

Wareysi: Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle



Madaxweynaha Jamhuuriyada Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu rajaynayo in Somalia ay ka baxayso KMG-nimada una gudbayso dowlad rasmi ah.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in buuqa ka taagan xulista baarlamaanka Soomaaliya uu yahay mid la mid ah kii socday wakhtigii Carta, isla markaana laga gudbi doono, isagoo odoyaasha dhaqanka ugu baaqay inay soo xulaan xubno karti leh oo hufan oo baarlamaanka ka mid noqda.

Madaxweyne Geelle oo wareysi khaas ah siiyay idaacadda VOAda ayaa mar uu ka hadlayay dastuurka cusub ee Soomaaliya ee dhawaan la ansixiyay wuxuu sheegay in waxyaabaha mad-madowga ah ee ku jira dastuurka cusub ay tahay iney saxaan baarlamaanka cusub ee la soo xuli doono.
XS
SM
MD
LG