Isku xirrada

Rag Hubeysan oo Dilay 16 ka Mid ah Askarta Masar


Rag hubeysan ayaa dilay 16 ka mid ah askarta ilaalada xuduudaha ee Masar axadii shalay , ka dib markii ay weerar ku qaadeen askarta oo ku sugnaa bar kantorool oo ku dhow Marinka Qaza iyo Israel, iyadoo markaa ka dib qaatay gawaaridii ciidamada oo isku dayay iney gudaha u galaan Israel.

Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ee Masar ayaa sheegtay in koox mintidiin Islami ah oo ka tagay Qaza iyo gacanka Sinay ay fuliyeen weerarkaasi, xilli askarta ilaalada xuduuda ee Masar ay afurayeen.

Miltariga Israel ayaa sheegay in kooxdan ay laba gaari oo xoog ku socda ay la soo galeen xadka Israel, iyadoo mid ka mid ah uu qarxay midkii kalena uu gudbay xadka hase yeeshee dayuurad Israel ay leedahay ay bur burisay.

Saraakiisha Israel ayaa sheegtay in todoba ka mid ah mintidiintii weerarka soo qaaday la dilay , afar ka mid ah waxey ku dhinteen dhanka xuduuda Israel, sadexda kalena waxaa lagu dilay dhinaca Xadka Masar.
XS
SM
MD
LG