Isku xirrada

Kulan ku Saabsan Amaanka Saxafiyiinta Muqdisho


 Mohamed Ibrahim

Mohamed Ibrahim

Shalay waxaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah agaasimayaasha idaacadaha, Wargeysyada iyo howlwadeena Telefishinada ee Magaalada Muqdisho.

Kulankaaso oo uu soo qabanqaabiyay ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed ee Nosoj ayaa looga hadlay amaanka saxafiyiinta iyo Qatarta ku xeeran shaqadooda.

Hadaba waxaan arintaasi iyo arimo kale ka wareysanay xoghayaha Guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Somaliyeed Maxamed Ibrahim Bakistan, oo xalay nagu soo booqday Studiyaha VOAda ee magaaladan Washinton, waxaana ugu horeyn weydiinay waxa kulankaasi uu ku saabsanaa.
XS
SM
MD
LG