Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo beeniyay eedo loo soo jeediyay cayaaryahnnada Olympic-ga


Ciyaaryahannnada Ye Shiwen oo muujinaysa bilada dahabka ah ee ku guuleystay
Ciyaaryahannnada Ye Shiwen oo muujinaysa bilada dahabka ah ee ku guuleystay
Ninka ugu sareeya hay'adda la dagaalanka adeegsiga daroogada ee dalka Shiinaha ayaa sheegay iney xaq darro tahay in la beegsado ciyaaryahanada reer China, ka dib markii macalin sare oo Mareykan ah iyo macalimiin kale aya walaac ka muujiyeen, Rikoorka uu ka dhigay Ciyaaraha Olompic-ga ee London dabaalyahan Shiinaha u dhashay.

"Waxaan u maleynayaa ineysan habooneyn in si gaar ah loo beegsado dabaalyahanada Shiinaha marka ay natiijo wanaagsan soo hoyeen dadka qaar waa kuwo xaglinaya ” sidaasi waxaa yiri Jiang Zhixue, oo madax ka ah hay’adda la dagaalanka adeegsiga daroogada jirka ee maamulka guud ee shiinaha ee Cayaaraha.

Hadalkan oo lagu soo daabacay Wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ayaa ku soo beegmay, ka dib markii macalin Mareykanka u dhashay oo la yirahdo John Leonard uu sheegay in ciyaartii dabaasha aheyd ee uu muujiyay cayaaryahank Shiinaha ee Ye Shiwen iney aheyd mid aan la aami karin oo iyaga shakigelisay.

Ye ayaa ku guuleysatay biladaha dahabka ee dabaasha shaqshaqsiga ah ee 400 oo mitir ee gabdhaha maalintii sabtida ee la soo dhaafay.
Waxaana ay ku guuleysatay record aan horey loo arag oo hal mirir ka sareeyay kii dunida u yiilay.

50 meter ee ugu dambeysay ayey ku dabaalatay si ka dheereysa, recordkii cayaaryahanka mareykanka ee Ryan Lochte uu ka dhigay tartanka dabaasha ragga.
XS
SM
MD
LG